Boqorada Sweden Silvia ayaa sheegtay in guriga boqortooyada uu ku jiro reer aaqiraad

Boqorada Silvia Lahaanshaha sawirka SVT
Image caption Boqorada Silvia ee Sweden ayaa dokumentariga laga sameeyay u sheegtay inaysan ka baqyn reer aaqiraadka booqashada ku imanaya

Boqorada Sweden Silvia ayaa aaminsan in guriga oqortooyada ay joogaan reer aaqiraad, sida uu sheegaydekumantari laga sameeyay oo telefishinka laga sii daynayo maalinta khamiista.

Waxay sheegtay inay la degan tahay guriga boqortooyada ee Drottningholm "saxiibo reer aaqiraad ah."

"Waa wax fiican. Laakiin cabsi ma jirto" ayay sheegtay.

Guriga oo u dhow Stockholm oo la dhisay qarnigii 17-aad, ayaa waxaa degan boqorada iyo ninkeeda boqorka Carl XVI Gustaf.

Dokumentariga Drottningholm, guriga boqortooyada, waxaa sameeyay telefishinka Sweden ee SVT.

"Mararka qaarkood waxaad dareemaysaa inaadan kaligaa ahayn" ayay boqorada u sheegtay filin qaadayaasha, iyadoo ku adkaysanaysa in reer aaqiraadka la nool ay yihiin "saaxiibo fiican".

Lahaanshaha sawirka SVT
Image caption Dekumentariga ayaa ka hadlaya nolosha boqortooyada ee Guriga Drottningholm
Lahaanshaha sawirka SVT
Image caption Boqorada Silvia iyo boqorka Carl ayaa is guursaday 1976

Boqorada Silvia, 73, ayaa guursatay Boqorka Carl 40 sano ka hor, waana boqoradii ugu waqtiga dheereed ee Sweden.

Waxaa dhalay aabe ganacsade Jarmal ah iyo hooyo reer Brazil ah.

Mowduucyada la xiriira