UAE oo mamnuucday in guryaha lagu haysto xaywaanka duur joogta

Shabeel Lahaanshaha sawirka Reuters

Isutaga imaaraadka Carabta (UAE) ayaa mamnuucday in guryaha lagu haysto xaywaanada duur joogta, sida libaaxa iyo shabeelka.

Dadka qaar ee dagan dalalka Khaliijka, ayaa haysta xaywaanadan, laakiin hadda waxay qatar ugu jiraan xabis iyo ganaax.

Xaywaanadan ayaa sawirro laga qaaday iyagoo jidka maraya markii la soo galiyay baraha bulshada.

Sawirada qaar ayaa libaaxyo ay saarnaayeen baabuurta gadaashooda, filin la arkay bishii Oktoobar ayaa muujinayay shan shabeel oo jooga xeebta Dubai.

Masuuliyiinta ayaa ka walaacsan qatarta ka iman karta xaywaanadan sida xorta ah u socda.

Sharciga cusub ayaa mamnuucaya haysashada xaywaankan duur joogta ee qatarta ah, ayaa lagu sheegay Gulf News.

Xaywaanadan ayaa hadda lagu hayn karaa oo kaliya beerta xaywaanada , xarumaha lagu xanaaneeyo ama daraasaadka lagu samaynayo oo kaliya.

Mowduucyada la xiriira