Isu socodka Walaweyn iyo Afgooye oo kala go'an
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Isu socodka Walaweyn iyo Afgooye oo kala go'an

Wararka ka imanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maalmihii ugu dambeeyay uu hakad ku yimid isu socodka dadka iyo gaadiidka inta u dhaxaysa magaalooyinka Walaweyn iyo Afgooye.

Arrintan ayey dadka deegaanka u aanaynayaan isbaarooyin ku soo batay wadada isku xirta labadaasi magaalo, taa oo ku qasabtay gaadiidleyda inaysan isticmaalin wadadaasi.

Dadka deegaanku waxa ay isbaarooyinkaas ku eedaynayaan ciidammada milateriga Soomaaliya.

Dadaalo aannu ku doonaynay inaannu ku helno madaxda milateriga iyo maamulka gobolkaasi ayaanay inoo suuragelin.

Haddaba Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ayaa khadka taleefanka kula xiriiray mid ka mid ah dadka ganacsatada ah ee deegaanadaasi ku nool, marka hore waxaan waydiiyay bal inuu iiga warramo sababta uu isu socodka u xirmay?