AMISOM oo laga dalbaday inay isaga baxaan garoonka Stadium Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

AMISOM oo laga dalbaday inay isaga baxaan garoonka Stadium Muqdisho

Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkan cusub ee 2017 ay qorshaynayaan inay qaadaan olole ballaaran oo ay ciidamada AMISOM uga saarayaan garoonka weyn ee ciyaaraha Kubada Cagta ee Stadium Moqdisho.

Arintaasi ayuu Xiriirku sheegay inay u mari doonaan qaabkasta oo ay ku xaqiijinayaan in ciidammaasi looga raro garoonkaasi.

Ciidammada AMISOM ayaa garoonkaasi waxa uu muddo sanado ah u ahaa xero milateri, waxaase sanado soconayay dadaalo lagu doonayay in garoonka ciidammadaasi looga saaro, hasayeeshee dadaaladaasi weli ma aanay miro dhalin.

Haddaba tallaabada cusub ee ay qaadayaan ayaa waxaa inooga warramay Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cabdiqani Siciid Carab, oo Muqdisho kula hadlay Maxamed Cumar Baakay.