Shisheeye badan oo talo siinaya ciidamada Ciraaq

colaadda dalka Ciraaq Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Ciraaq ayaa sanadkii hore ku duulay magaalada Mowsil.

Tirada lataliyeyaasha shisheeye ee caawinaya ciidammada Ciraq ee ka dagaallamaya Muusil ayaa la labo laabay iyadoo culays uu soo wajahay ciidammada Ciraq.

Lataliyeyaashan waxay ka soo jeedaan waddanka Mareykanka iyo dalalka kale ee ka mid ka ah xulafada uu Mareykanka hoggaamiyo.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay milateriga Mareykanka, tirada lataliyeyaasha ayaa haatan la labo laabay oo waxa ay gaartay 450.

Tallaabadan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa billowga wajiga cusub ee weerarka la doonayo in magaaladaasi weyn ee wali ku harsan gacanbta kooxdan la baxday Dowladda Islaamiga ah dib loogu qabsanayo.

Markii uu billowday gulufka milatariga dalka Ciraaq bishii oktoobar ee saandkii hore, waxaa la saadaalinayay in kooxdani la baxday dowladda islaamka laga sari doono magaaladaasi Mowsil billowga sanadkan cusub.

Balse taa baddalkeeda hawlgalkii ayaa bishii December hakad galay.

Ciidammada Ciraq waxay noqdeen kuwa ku go'doonsan magaalada waxaana sooo garaay khasaara ba'an.

Haatan waxaa la filayaa in arrintan ay wax ka baddasho howlgalkooda ka dhanka ah kooxdan la baxay dowladda Islaamka.