Masar oo sii daysay nin caan ku ah dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadannaha

Axmed Maher waxaa la xiray 2013 Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Axmed Maher waxaa la xiray 2013

Axmed Maher oo caan ka ah dalka Masar kana mid ahaa dadkii hogaaminayay kacdoonkii xukunka lagaga tuuray Xusni Mubaarak sanadkii 2011 ayaaa xabsiga laga siidaayay.

Qof ka tirsan laamaha ammaanka ee Masar ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Maher xabsiga laga siidaayay fiidnimadii Arbacada isaga oo dhamaystay wakhtigii lagu xukumay.

Anas Sayid oo ah qareenkiisa ayaa sheegay in waaxda cadaaladdu ay korka kala socondoonto.

Maxkamad sare oo joojisay xukunkii dilka ee Maxamed Morsi

Xeebaha Masar oo laga helay meydadka 186 muhaajiriin ah

Maher oo aasaasay dhadhaqaaqa dhallinta Abriil 6 ayaa la xiray sanadkii 2013-kii isaga oo ka mudaaharaadaya sharci cusub oo mamnuucaya isu soo baxyada dadwayne ee aysan dawladdu fasixin.

Isaga iyo labo ruux oo kale oo xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa oo lakala dhoho Maxamed Adel iyo Axmed Douma ayaa lagu helay in ay mudaaharaadeen iyaga oon fasax haysanin iyo in ay waxyeelo u gaysteen booliis bishii Nofember ee sanadkaas oo saddex sano oo xabsi ah lagu xukumay.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Axmed Maher wuxuu ka mid yahay dad badan oo dawladda ka soo horjeeday oo la xirxiray