Antonio Conte oo sheegay in uu Tottenham ay ka mid tahay lixda kooxood ee Horyaalka isku haya

Chelsea kuma aysan badinin garoonka White Hart Lane tan iyo guushii 4-2 ahayd ee bishii Oktoobar ee sanadkii 2012-kii Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Chelsea kuma aysan badinin garoonka White Hart Lane tan iyo guushii 4-2 ahayd ee bishii Oktoobar ee sanadkii 2012-kii

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa sheegay in Tottenham ay koobka qaadi karto ka dib markii ay 2 iyo 0 kaga badiyeen kooxdiisa oo 13 ciyaarood aan laga badinin.

Ciyaartaas ayaa ka dhacday garoonka Tottenham ee White Hart Lane.

Pep Guardiola: City way "ku adkaan doontaa" in ay Chelsea koobka ka hor istaagto

Pep Guardiola oo raaligelin bixiyay

Hay'adda samofalka ee Drogba oo lagu waayay eedaymo

Labo gool oo uu madaxa ku dhaliyay Dele Alli ayaa Chelsea u horseeday guuldarradii u horaysay tan iyo bishii sagaalaad ee sanadkii hore, kooxda lagu naanayso Spurs ayaa iyaduna soo gashay kaalinta saddexaad iyada oo Chelsea ka hoosaysa 7 dhibcood.

"Xaqiiqdii Tottenham waa koox adag, waxaana dhab ah in ay ka mid tahay kooxaha u halgami kara hanashada horyaalka" ayuu yiri Conte.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dele Alli ayaa hadda 7 gool dhaliyay afartii ciyaarood ee u dambeeyay ee Horyaalka

Tababaraha Tottenham ayaa isna sheegay in kooxdiisu ay u halgami karto waxyaabo waawayn.

Tottenham aad ugu dhawayd Leicester City xilli ciyaareedkii hore intiisa badan iyada oo shan laakiin waxay ku dhamaysay kaalinta saddexaad iyadoo ay Arsenal ay ciriirsatay kaalinta labaad.