Olga oo ku nool Canada ayaa ku guulaysatay in ka badan $5 milyan soddon sano kadib

Lottery winner Olga Beno in Eastern Passage, Nova Scotia, Canada (04 January 2017) Lahaanshaha sawirka Atlantic Lottery
Image caption Olga Beno oo gacanta ku haysa lacagtii ay ku guulaysatay

Haweeney reer Canada oo ciyaartay nambaro isku mid ah ee qamaarka waddanka oo dhan laga ciyaaro ku dhawaad 30 sano ayaa ku guulaysatay CA$5.3 milyan.

Olga Beno oo degan Eastern Passage, Nova Scotia, ayaa sheegtay inay ku riyootay nambarada ay ku guulaysatay May 1989, ayna si joogta ah u isticmaashay tan iyo markaas.

Olga Beno ayaa toban sano ka hor loo sheegay inay qabto cudurka kansarka waxaana qasab ku noqotay inay iibiso gurigeeda si ay ugu isticmaasho lacagta daawo.

Hadda waxay doonaysaa inay guri cusub ku dhisato lacagteeda.

" Nambaradayda korka ayaan ka aqaanaa, waxaan nambarada ka arkay telefishinka markii la sheegay, laakiin indhaha si fiican uga jeedi waayay", ayay soo xigteen Atlantic Lottory inay dhahday.

" Marka waan iska iloobay."

Maaliintii ku xigtay, waxay aqrinaysay wargayska markii ay aragtay nambarada guulaystay mar kale

"Markii ugu horaysay waxaan is iri ma noqon karto run. Waa qalad uu wargayska sameeyay ayaan is iri. Kadib walaashay ayaan ku iri waxaan u malaynayaa inaan ku guulaystay qamaarkii. (lottery).

"Waxay dhahday telefoonka igu soo ceki markaad runta ii sheegayso."

Ms Beno ayaa ahayd qofkii labaad ee ku guulaystay CA$5.3milyan ciyaartii 28 December 2016. Qofkii labaad ee guulaystay ayaa qamaarka ka iibsaday galbeedka Canada.

Waxay sheegtay ninkeea iyo carruurteeda iyo carruurta ay dhaleen inay ka caawiyeen inay kansarka ka badbaado, ayna doonayso inay safar ugu kaxayso Disney World.