Wiilka Bin Laden Hamza 'ayaa ku lug leh fal argagixiso'

Hamza bin Laden Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hamza bin Laden, midig, ayaa ka muuqda video isaagoo dhowr iyo toban sano jira 2001-dii

Hamza bin Laden, oo ah wiilka Osama bin Laden, ayaa Maraykanka si rasmi ah ugu daray liiska caalamka ee argagixisada.

Hamza, oo hadda da'diisu dhowr iyo labaatan jir tahay ayaa loo magacaabay inuu ka tirsan yahay al-Qaeda in 2015, waxaana loo arkaa inuu badalo aabihiis.

Tan iyo markaas wuxuu ku baaqay in weerar lagu qaado magaalo madaxyada waddamada reer galbeedka.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Maraykanaka ayaa sheegtay inay caalamka u sheegayso in "Hamza bin Laden uu qayb ka yahay argagixisada."

Tallaabadan waxay ka hor istaagi doontaa inuu ganacsi la sameeyo shirkadaha Maraykanka ama uu guri ku yeesho Maraykanka.

Qof la wada yaqaano

Hamza ayaa ah wiilka hogaamiyihii hore ee Alqacida iyo Khairiah Sabar, oo ah mid ka mid ah xaasaskii Osama oo la qabtay markii lagu dilay aabihiis 2011-kii guri ku yaala Abbotabad ee Pakistan.

Hamza lama joogin aabihiis Osama Bin Laden markii la dilayay.

Ayman al-Zawahiri, oo ah dhaqtar indhaha oo sameeyay kooxda Egyptian Islamic Jihad ayaa la wareegay hogaanka Alqacida tan iyo markaas.

Bishii August, Professor Fawaz Gerges, oo ku xeel dheer siyaasada Bariga Dhexe, ayaa BBC u sheegay in Hamza yahay wajiga cusub ee al-Qaeda.

"Wuxuu ahaa wiilka loogu jecel yahay, qof walba tobankii sano ee ugu danbeeyay wuxuu ka hadlayay Hamza inuu badalayo aabihiis."

2015-tii, al-Qaeda ayaa soo daysay cod uu duubay Hamza, oo ku baaqaya in taageerayaasha Kabul, Baghdad iyo Qaza ay weerar ku qaadaan, Washington, London, Paris iyo Tel Aviv.

Wuxuu hadda ku biirayaa walaalkiis Saad ee ku jira liiska argagixisada caalamiga, taasoo ah qof qatar ku ah ammaanka dalka Maraykanka iyo dadkiisa.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay habkan cunaqabataynta "inay awood leeyahay."

Mowduucyada la xiriira