Dib u dhiska isbitaalka Gaalkacyo oo kharash badan loo aruuriyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dib u dhiska isbitaalka Gaalkacyo oo kharash badan loo aruuriyay

Ku dhawaad nus malyuun doolarka Mareykanka ah ayaa waxaa loo aruuriyay dib u dhiska isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo, kaasi oo bishii Agoosto ee sanadkii hore ay waxyeelo weyn ka soo gaartay qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday xarunta dowladda hoose oo aan isbitaalka ka fogeyn.

Isbitaalkan oo shaqeynayay ku dhawaad nus qarni ayaa kharashka dib u dhiskiisa waxaa gacan weyn ka gaystay bulshooyinka Qurbajoogta Soomaalida iyo hay'adaha bulshada rayidka ah.

Haddaba kharashkan isbitaalka loo aruuriyay ayaa waxaannu ka wareysannay madaxa guddiga dib u dhiska isbitaalka Gaalkacyo, Dr Maxamed Jaamac Salaad, waxa uu u warramay Faarax Lamaane..