Ruushka oo 'billaabay' in uu askartiisa kala baxo Suuriya

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa caawiyay madaxwaynaha Suuriya Bashaaar Al Asad Lahaanshaha sawirka RUSSIAN DEFENCE MINISTRY
Image caption Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa caawiyay madaxwaynaha Suuriya Bashaaar Al Asad

Dawladda Ruushka ayaa billaabaysa in ay Suuriya kala baxdo xoogaggeeda iyo maraakiibta diyaaradaha xambaara sida uu sheegay taliyaha ciidammada Ruushka.

Jeneraal Valery Gerasimov ayaa sheegay in wasaaradda difaaca ee Ruushku ay billaabayso in ay yarayso askarta ka joogta dalka Suuriya.

Qarammada Midoobayna waxay sheegtay in xabbad joojintu ay si wayn uga dhaqan gashay Suuriya.

Ruushka ayaa si wayn hawada uga duqeeyay jabhaddaha dawladda Suuriya ka soo horjeeda.