Netanyahu: Falastiinigii askarta laayay wuxuu taageersanaa Dawladda Islaamka

Netanyahu ma so bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya in Fadi uu taageersanaa kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Netanyahu ma so bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya in Fadi uu taageersanaa kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka

Ra'iisalwasaaraha Israa'iil ayaa sheegay in ninkii weerarka ka gaystay magaalada Qudus uu taageersanaa kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.

Inkastoo Ra'iisalwasaare Benjamin Netanyahu uusan soo bandhigin wax caddayn u ah arrintaas, Dawladda Islaamka ayaase horay ugu goodiday in ay Israa'iil weerari doonto.

Ninkan Falastiiniga ah oo toogasho lagu dilay ayaa gaari wayn ku eryay koox askar ah oo taagan degmada Armon Hanatziv.

Kulan dagdag ah oo ay isugu yimaadeen saraakiisha ammaanka ee Israa'iil ayay ku ansixiyeen in la xirxiri karo dadka taageersan Dawladda Islaamka iyaga oo aan maxkamad la gaynin.

Lahaanshaha sawirka @IDFSPOKESPERSON

Saddex gabdhood iyo wiil ayaa ku dhintay weerarkaas, dhamaantoodna da'da labaatameeyada ayay ku jireen, isla weerarkaasna waxaa ku dhaawacmay 17 kale sida ay sheegeen booliisku.

Ninka weerarka gaystay magaciisa waxaa lagu sheegay Fadi Qunbar oo 28 jir ah kaas oo daganaa degmada Jabel Mukaber oo ku taalla bariga magaalada Qudus taas oo u dhaw meesha uu weerarka ka gaystay.

Kaameerooyin ayaa duubay gaariga oo xawaare sare ku socda oo askarta ku siijeeda ka hor inta uusan gadaal u kaxaynin.

Leah Schreiber oo ah qof goobjoooge ah ayaa sheegay "in ay aad u cadayd" in darawalku uu rabay in uu dad badan jiiro markii uu gadaal u kaxeeyay gaariga.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qof ka mid ah qaraabada Fadi Qunbar ayaa saxafiyiinta u soo bandhigay sawirkiisa