Japan oo qarka u saaran dabarjaridda dambiyada hubka

Qoryo lagu iibinayo dukaan ku yaalla Japan Lahaanshaha sawirka Ronald Grant
Image caption Qoryo lagu iibinayo dukaan ku yaalla Japan

Dawladda Japan waxay ka mid tahay dalalka ay ka dhacaan dambiyada ugu yar ee hub la xiriira marka laga hadlayo adduunka oo dhan.

Sanadkii 2014-kana 6 ruux ayaa rasaas u ugu dhimatay dalka Japan halka dalka Maraykankana ay uga dhinteen 33,599. Haddaba waa maxay sirtu?

Haddii aad rabto in aad qori ka iibsato dalka Japan waxaad u baahan tahay in aad la timaado dulqaad iyo ka go'naansho. Waa in aad ka qaybgashaa kalaas maalin dhan soconaya, intaas ka dibna aad gasho imtixaan qoran aadna ku baasto tijaabo shiish oo dhibcaha lagaa rabo ay tahay ugu yaraan 95%.

Sidoo kale waxaa lagaa tijaabin in aad daroogo isticmaasho iyo in maskaxdaadu fayawdahay. Sidoo kale waxaa baaritaan lagu samayn in aad wax dambi ah horay u gashay, booliiskuna waxay fiirin in aad wax xiriir ah la leedahay kooxo xag jir ah.

Intaas ka dibna waxay sidoo kale baaritaan ku samayn ehelkaaga sidoo kale waxaa baaritaan lagu samayn dadka aad isla shaqaysaan, intaas oo dhan ka dibna booliisku waxay haystaan awood ay kuugu diidaan in ay ruqsad qori ku siiyaan, waxaa kale oo ay awood u leeyihiin in ay gurigaaga baaraan lana tagaan wixii hub ah.

Ra'iisul wasaaraha Japan oo Trump la kulmay

Japan iyo Shiinaha oo isku haya dhul

Intaas kuma eka. Biskooladaha oo dhan waa mamnuuc. Waxa kali ah ee ogolyahayna waa qoryaha aan darandooriga ama baaska u dhicin.

Sharciga ayaa xadida tirada tukaamada hubka iibiya. Japan oo dhana afartan ama wax aan sidaa uga badnayn ayaa ku yaaalla, gobolkastana 3 dukaan ka badan lagama ogola, rasaas cusubna ma iibsan kartid adiga oon keeniin maarta xabbadihii hore eed gadatay.

Lahaanshaha sawirka Alamy
Image caption Sawirkan waa dad xayaysiin samayna - waayadan dambese burcadda Japan xataa hub ma adeegsadaan inta badan

Booliiska waa in la wargaliyaa meesha guriga laga dhigo qoriga iyo rasaasta waana in lakala galiyaa labo sanduuq ama labo khaanadood oo kala duwan mid kastana la qufulo.

Booliisku sanadkiiba mar ayay qoryaha dib u qiimayn ku sameeyaan, saddex sano markii laga soo wareegana ruqsaddii qorigu way kaa dhici, waana in aad fasalkii dib ugu noqotaa oo aad haddana imtixaan cusub ku soo baastaa.

Arrintaasi waxay sharaxaad u tahay sababta ay u yartahay dil wadareedyada ka dhaca dalka Japan, marka uu dil wadareed dhacana inta badan qofka wax dila wuxuu adeegsadaa mindi.

Japan: 44 bilyan oo doolar ayaan u adeegsan doonaa gaashaandhigga

Japan oo ka tacsiyeeyay 2,400 Maraykan ah oo uu horay u dilay

Adduunka waxyaabo badan oo khaldan ayaa ka dhaca balse waxyaabo badan oo si wanaagsan u socda way jiraaan.

Sharcigan hadda jira waxaa la soo saaray 1958, laakiin aragtidii uu sharcigan ka soo maaxday waxay jirtaa qarniyo.

Iain Overton, oo madax ka ah hay'adda Action on Armed Violence ayaa sheegay in Japan ay shuruuc adag lahayd tan iyo markii u horaysay ee qorigu dalkaas gaaray.

Image caption Shax muujinaysa 100,000 ee isku dal ku noolba inta ay ay rasaas ka disho
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Rasaas taalla dukaan ku yaalla Japan