Trump ayaa aqbalay in Ruushka uu u dhacay doorashada Maraykanka, ayuu sheegay Reince Priebus

Reince Priebus, madaxa shaqaalaha Donald Trump Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Reince Priebus ayaa ah sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha Donald Trump ayaa sheegay inuu Trump aqbalay warbixinta sirdoonka

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay warbixin ay soo saartay hayadaha sirdoonka in Ruushka uu u dhacay doorashada madaxweynenimada Maraykanka , ayuu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha Trump.

"Waxaan u malaynayaa inuu aqbalay, waxa lagu helay warbixinta " ayuu madaxa shaqaala madaxtooyada ee xilka la wareegaysa, Reince Priebus, u sheegay Fox News.

Ruushka ayaa beeniyay eedeymaha inay ka danbaysay u dhicida emailada xisbiga Dimoqoraadiga si wax loogu dhimo Hillary Clinton.

Afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov, ayaa sheegay maanta in eedeymaha dad lagu raadsanayo oo aysan lahayn wax cadayn ah.

Madaxweynaha la doortay ee Trump ayaa loo soo bandhigay waxyaabaha lagu helay warbixinta madaxda sirdoonka Jimcihii.

"Ma diidana in dad Ruush ah ay ka danbeeyeen ololahan gaarka ah," ayuu sheegay Mr Priebus Axadii.

Laakiin ma uusan cadayn in Mr rump uu aamisan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, uu si toos ah u amray jabsiga kombutarada iyo in kale sida lagu sheegay warbixinta. the report (an unclassified version).

Kadib markii uu la kulmay Agaasimaha sirdoonka Maraykanka, CIA, John Brennan iyo Agaasimaha FBI James Comey, Mr Trump ayaa kulanka ku tilmaamay mid si fiican u dhacay.

Hadal uu soo saaray Trump ayuu ku sheegay in 90 maalmood gudaheed markuu xafiiska la wareego uu waydiisan doono qorshe sida lagu joojin karo weerarka kombutarada.

Sirdoonka USA: Putin wuxu doonayey inuu "Trump caawiyo"

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Donald Trump ayaa shaki galiyay waxa lagu helay warbixinta hayadaha sirdoonka ee uu wax ka qoray Gen James Clapper (midig)

Mowduucyada la xiriira