Baarlaaanka Galmudug oo ka doodaya inay la xisaabtamaan madaxweynaha
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baarlaaanka Galmudug oo ka doodaya inay la xisaabtamaan madaxweynaha

In ka badan konton xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka maamulka Galmudug ayaa mooshin ka keenay madaxweynaha maamulkaasi Cabdikarin Xuseen Guuleed, oo ay ku eedeeyeen in uu joojiyay hawlihii maamul goboleedka.

Shir ay ku yeesheen mudanayaasha baarlamanka Galmudug magaalada Cadaado, ayay mooshinkaasi ugu gudbiyeen gudoomiye ku xigeenka 1-aad Xareed Cali Xareed.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan, ayaa taleefanka Cadaado kula hadlay gudoomiye ku-xigeenka baarlamanka Galmudug Xareed Cali Xareed, wuxuuna marka hore weydiiyay waxa uu yahay mooshinka laga keenay madaxweynaha Galmudug.

Mowduucyada la xiriira