Abaaraha ka taagan gobolka Waqooyiga Bari Kenya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaaraha ka taagan gobolka Waqooyiga Bari Kenya

Weli waxaa sii jiitamaya abaaraha saameeyay dadka ku nool deeganada geeska Afrika.

Meelaha qaar waxaa la sheegayaa in xitaa dadka aysan heli karin gargaarka caafimaad ee ay u baahan yihiin.

Deegaanada ay abaartu saameysayna waxaa ka mid ah gobolka waqooyiga Bari ee waddanka Kenya.

Dhakhaatiir dhawaantan halkaa tagtayna waxa ay ka deyrinayaan xaaladda caafimaad ee deegaanada ay tageen.

Waxaa ka mid ah dhakhaatiirtaasi Dr Maxamud Sheekh Maxamed (Dr Oomaar), oo ka shaqeeyo dalalka Sucuudiga iyo Malaysia, Weriyaha BBC-da, Axmed Xaji Xasan ayuu u warramay.