Doorashadii maanta: Muudday oo Faarax ka badiyey

  • 12 Jannaayo 2017
Cabdiwali Muudeey
Image caption Cabdiwali Muudeey

Xildhibaan Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa maanta loo doortay inuu noqdo guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamanka Soomaaliya kadib doorasho ka dhacday xarunta baarlamanka.

Muudey ayaa tartan adag la galay musharaxa Faarax Sh C/Qadir, waxaana ugu danbeyn ku guuleystay inuu helo codadkii ugu badnaa, wareegii labaad ee doorashada.

C/Wali Muudey ayaa helay 164 halka Faarax C/Qaadir oo lagu sheegay inuu isbaheysi dhow la leehay madaxweyne Xasan Sheekh uu isna helay codad gaaraya 94 cod.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku guuleystay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka isagoo helay 171 cod.

Jawaari oo mar kale loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya

Geedi-socodka cakiran ee doorashada Soomaaliya

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa shalay mar kale loo doortay xilkaasi.

290 xildhibaan ayaa codeysay wuxuuna Jawaari helay 141 cod, taasoo ka dhigan inaan loo baahaan wareeg labaad maadama uu helay seddax meelood laba meel codadkii la dhiibtay.

Musharraxa ku soo xigay ayaa noqday Cabdirishiid Xidig oo helay 97 cod. Guddoomiyaha dib loo doortay Jawaari ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay doorashada.

Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay soo doortaan madaxweyne isbuucyada soo socdo.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan