Laptop-ka seddaxda shaashad leh ee dhowaan la soo bandhigtay oo "la xaday"

Three screened laptop Lahaanshaha sawirka Razer
Image caption Razer claims that its three-screened Project Valerie concept laptop is a world first

Laba xabo oo ka mid ah laptop-yo ay soo bandhigtay shirkadda Razer oo seddax shaashad leh ayaa "laga xaday" magaalada Las Vegas, sida ay sheegtay shirkadda.

Kumbuyuutarka noocan ah ayaa la sheegay inuu yahay midkii ugu horeeyay ee caalamka la sameeyo.

Shirkadda Razer waxay sheegtay in labada Laptop laga waayay goobtii bandhigga ay ku sameeyeen Axaddii.

Hal Laptop oo leh seddax shaashad oo la soo bandhigay

Madaxweyne Obama oo u digay Ruushka

Madaxa fulinta shirkadda, Min-Liang Tan, ayaa sheegay in arrinta ay si dhab ah u qaateen.

Afhayeen u hadlay Razer wuxuu sheegay in 25 kun oo dollar ay siinayaa qofkii keena macluumaad lagu garan karo cidda "xaday" Laptopyada.

Waxaa kaloo lacag ay u ballan qaadeen qofkii gacan ka geysta "soo xiridda" qofkastoo ku lug leh arrintaas.

"Shaqaaleheena waxay muddo ka shaqeynayeen soo saaridda qeybaha kumbuyuutarkan", ayuu ku yiri Mr Tan, farriin uu dhigay bartiisa Facebook.

"Waa Khayaano, anagana Khayaano naloogama fadhiyo. Qofkastoo arrintan si cad u sameeyay, soo maaha qof caqli badan." ayuu hadalkiisa ku daray.

Lahaanshaha sawirka RAZER
Image caption Laptop-ka seddaxda shaashad leh

Shirkaddan Razer sameyso kombuyuutarada game-ka ayaa isbuucii hore shaaca ka qaaday fikrad ay ku soo saareyso laptop leh seddax shaashad.

Waxay arrintaasi ku daahfurtay xarunteeda teknolojiyadda ee magaalada Las Vegas, ee dalka Mareykanka.

'Tagaasida in la wadaago waxay yarayn kartaa saxmadda jidadka'

Nidaamka Sir dhowrka

Shirkadda waxay ku sheegeysaa in kombuyuutarkeeda uu yahay noocii ugu horeeyay ee caalamka ee seddax shaashad leh.

Laptop-kan ayaa leh laba shaashad oo geesaha ah iyo midda dhexe, waxayna u soo bandhigayaan hab otomaatig ah.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan