Dhageyso: Soomaaliya sidee looga arkaa kordhinta kooxaha ka qeybgala koobka aduunka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhageyso: Soomaaliya sidee looga arkaa kordhinta kooxaha ka qeybgala koobka aduunka

Xiriirka Kubbadda Cagta aduunka ee FIFA ayaa shalay shaaciyay qorshe lagu ballaarinayo ka qayb galka tartanka koobka dunida, oo hadda ay ka qayb galaan 32 kooxood oo laga dhigi doono 48 kooxood.

Marka la gaaro sannadka 2026-ka kooxaha tartamaya waxa loo qaybin doonaa 16 guruub oo labada kooxood ee ka soo baxaa u gudbi doonaan wareegga labaad ee laba iyo soddonka dal iskugu soo baxayaan.

FIFA waxay dhawaan shaacin doonta faahfaahin dheeraad ah, hase yeeshee waxa la filayaa in wadama ka faa'idaya kordhinta tirada kooxaha ay noqon doonaan dalalka qaaradaha Afrika iyo Aasiya.

Haddaba tallaabadaasi sidee ayay u arkaan taageerayaasha kubadda cagta ee caasimadda Muqdisho. Waa kuwan qaar ka mid ah oo ra'yigooda dhiibanaya.

Mowduucyada la xiriira