Imaaraadka oo $163 bilyan ku maalgalinaya tamarta la cusbooneysiin karo

Shams 1, Concentrated Solar Power plant, in al-Gharibiyah Abu Dhabi (17 March 2013) Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Abu Dabay ayaa safka hore kaga jirta dadaalka uu Immaaraadku ku doonayo inuu ku adeegsado tamarta la cusbooneysiin karo

Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inuu doonayo inuu $163 bilyan ku maageliyo, mashruuc soo saaraya kala bar tamarta waddanka u baahan yahay iyadoo l;a adeegsanayo tamarta la cusbooneysiin karo.

Waddanka oo soo saara shidaal badan ayaa rajaynaya inuu ku guulaysto qorshahan marka la gaaro sanadka 2050, wuxuu sheegay inuu rabo inuu dheeli tiro baahida dhaqaalaha iyo mida deegaanka.

Imaaraadka Carabta ayaa leh tamar qorax oo badan waxayna doonaysaa inay dhinto isticmaalka shidaalka saliida.

Waddanka ayaa ku jira waddamada ugu badan ee gaaska CO2 hawada ku sii daaya.

Wuxuu ka dambeeyaa Qadar, Kuwait iyo Baxrayn liiska Bangiga Adduunka ee gaaska CO2 ee uu dal walba uu hawada ku sii daayo.

Ra'iisalwasaaraha Imaaraadka, Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum, ayaa sheegay inuu rajaynayo sanadka markuu yahay 2050, in 44% tamarta uu waddanka u baahan yahay ay ka timaado tamarta nadiifka ah, iyadoo 38% ay ka imaan doonto gas, 12% shidaal la nadiifiyay iyo 6% tamarta nukliyeerka.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dubai ayaa sanadkii hore soo bandhigtay magaalo tamarta ka helaysa qoraxda

Dubai iyo Abu Dhabi ayaa ugu horeeya qorshaha UAE ay ku doonayso tamarta nadiifka ah :

  • Bishii June, Dubai ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay dhisto shaldhig korontada tamarta oo la dhamaynayo 2030
  • 2014, Abu Dhabi ayaa furtay saldhiga ugu wayn adduunka ee tamarta qoraxda ku shaqeeya
  • Shirkadaha ka socda Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale dhisaya afar saldhig oo ku shaqeeya nukliyeer meel u dhow Abu Dhabi, oo la rajaynayo inay soo saaraan 1,400 megawatts sanadka 2020

Dhinaca kale Morocco, Tunisia iyo Yemen ayaa balanqaaday bishii November inay isticmaalaan tamar nadiif ah oo kaliya sanadka markuu yahay 2050.

Mowduucyada la xiriira