Dad ka shaqeeya xuquuqda aadanaha oo laga waayay Pakistan

Dad badan ayaa sameeyay isu soo baxyo ay ku dalbanayaan in dowladda ay baarto arrinta
Image caption Dad badan ayaa sameeyay isu soo baxyo ay ku dalbanayaan in dowladda ay baarto arrinta

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dalka Pakistan markale la waayay qof kale oo arrimaha bulshada ka shaqeeya.

Isbuuc gudihiisa ayaa waxaa la waayay dhowr qof oo arrimaha xuquuqda aadanaha ka shaqeynayay.

Qoyska Samar Cabbas, oo ku noolaa Karachi, waxay sheegayaan inaysan warkiisa hayn tan iyo Axaddii.

Pakistan oo India ku eedeysay duqeyn

Pakistaan oo tijaabisay gantaal riddo dheer

Telefoonkiisa ayaa la demiyay wixii ka dambeeyay Isniintii, sida qoyska ay xaqiijiyeen.

Maalmo ka hor, wuxuu u safray caasimadda Pakistan ee Islamabad.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Pakistan: Dadka ka shaqeeya xuquuqda aadanaha oo la waynaayo

Samar Cabbas wuxuu madax ka ahaa hay'ad u dooda xuquuqda dadka laga tirade badan yahay.

Wuxuu sidoo kale ka shaqeynaayay shaacinta howlaha sharcidarada ah ee "kooxaha xagjirka", sida saaxiibkiisa uu sheegay.

Tallaalka dabeysha oo Afghanistan ka bilowday

Maraykanka oo ku daray Bin Laden wiilkiisa liiska argagixisada

Talaadadii waxaa dalka Pakistan ka dhacay dibad baxyo lagu dalbanayay in dowladda ay raadiso dadka la waayay.

Illaa iyo hadda afar qof ayaa la la'yahay, dhammaantoodna waxay si weyn u dhaliili jireen militariga iyo kooxaha "mintidiinta ah".

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan