Abwaanada Somaliland oo dhaliilay hadallada siyaasiyiinta
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abwaanada Somaliland oo dhaliilay hadallada siyaasiyiinta

Qaar ka mid ah abwaannada Soomaalida kuwa ugu caansan ayaa magaalada Hargaysa ku qabtay shir jaraa'id oo ay kaga hadleen arrimo badan, waxaana ka mid ahaa arrimahaa ay ka hadleen doorashooyinka Somaliland iyo dhaliilo ay u soo jeediyeen siyaasiyiinta.

Waxay ku eedeeyeen in ay ku hadlaan hadallo qabyaaladaysan oo dadka kala fogaynaya.

Abwaannada waxa ka mid ahaa Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays), Aadan Tarabi, Xasan Xaaji Cabdillahi (Xasan Ganey), Muuse Cali Faruur iyo Maxamed Aadan Dacar.

Dacar ayaa khadka teleefanka magaalada Hargaysa ugu waramay Axmed Nagaashe oo ugu horrayn waydiiyey waxa isku keenay ee ay ka hadlayeen?

Mowduucyada la xiriira