Dublamaasiyiin caalami ah oo ka qaybgalaya wadahadalka Qubrus

  • 12 Jannaayo 2017
Ujeedada wadahalka waa in la helo Qubrus faderaal ah Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ujeedada wadahalka waa in la helo Qubrus faderaal ah

Dublamaasiyiin caalami ah ayaa la rajaynayaa in ay ku biiraan wadahadallada ay leeyihiin hogaamiyeyaasha jasiiradda Qubrus oo u kala qaybsan qawmiyad ahaan.

Qarammada Midoobayna waxay wadahadaladaas ku tilmaantay fursaddii ugu wanaagsanayd ee lagu midayn lahaa jasiiradaas kala qaybsan afartanka sano.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson iyo wasiirrada arrimaha dibadda ee Giriigga iyo Turkiga ayaa isku arki doona magaalada Janeefa iyaga oo falanqayn doona ammaanka.

Ujeedadu waxay tahay in labada dhinac ay wadaagaan awoodda Qubrusna ay sidaa ku noqoto xukuumad federaal ah oo labo gobol ka kooban.

Hoogamiyeyaasha Qubrusta Turkiga iyo Qubrusta Giriigga ayaa Arbacadii is waydaarsaday khariidadaha xuduudaha ay yeelan doonaan labada dhinac.

Turkiga iyo Israa’iil oo heshiiyay

Booliis loo haysto afgambigii turkiga oo markii u horaysay Istanbul lagu maxkamadaynayo

Lahaanshaha sawirka AFP/REUTERS
Image caption Hogaamiyaha Qubrusta Giriigga Nicos Anastasiades oo bidix xiga iyo Mustafa Akinci oo ah hogaamiyaha Qubrusta Turkiga ayay wadahadallo u socdeen

Waa markii koobaad ee ay sidaas sameeyaan, sida ay Qarammada Midoobay sheegtay waxaana lagu ammaanay in ay tahay tallaabo horay loogu qaaday in heshiis la gaaro.

Xoghayaha guud ee cusub ee Qarammada Midoobay An Antonio Guterres ayaa ka qaybgalaya kulankaas Ganeva ka dhacaya waana safarkii u horeeyay ee uu dibadda ku aado intii uu xilka qabtay.

Qubrus ayaa kala qaybsanayd tan iyo markii ay ciidammada Turkigu qabsadeen 1974tii arrintaas oo dabo socotay in qilaab ay sameeyeen Qubrusta Giriigga oo Athens ay dabada ka waday.

Illaa iyo hadda waxaa wadooyiga jasiiraddaas jooga 30,000 oo ka mid ah askarta Turkiga, taas oo ka dhigan in ay hawlgal samayn karaan haddii looga baahdo jasiiradda.