Ishak Belfodil oo la filayo inuu ku biiro Everton

Ishak Belfodil Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ishak Belfodil ayaa la filayaa in uu xoojiyo weerarka Everton

Kooxda Everton ayaa oggolaatay in lacag dhan 10.4 milyan oo Pound-ka Britain ah, ay kooxda Standard Liege ee dalka Belgium ugala soo wareegto weeraryahan Ishak Belfodil oo u dhashay waddanka Algeria.

Belfodil ayaa la filayaa in maanta uu caafimaadka maro si uu ugu biiro kooxda Everton.

Kooxdan ku dheesha garoonka Goodison Park, ayaa rajeyneysa in ay Belfodil, oo 24 jir ah ku xoojiso weerarkeeda.

Belfodil ayaan ka tirsaneyn xulka qaranka Algeria ee ka qeyb qaadanaya Koobka Qaramada Afrika ee Sabtida ka billaabmaya dalka Gabon.

Macallinka Everton, Ronald Koeman, ayaa dalbaday in cayaartooy cusub lagu soo daro naadigaasi, ka dib markii ay Leicester ka reebtay koobka FA-ga.

Everton ayaa waxaa sidoo kale kusoo biiraya Morgan Schneiderlin oo Manchester United ah iyo Ademola Lookman oo Charlton Athletic uga soo wareegay.