Taangiyada iyo askarta Maraykanka ee Poland la keenay ayaa ah wax qatar ah, ayuu sheegay Ruushka

Taangiyada iyo askarta Maraykanka, Bremerhaven, Germany January 8, 2017 Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Taangiyada iyo qalabka kale ayaa bilowday inay imaadaan Jarmalka toddobaadkii hore iyadoo la gaynayo bariga Yurub

Ruushka ayaa sheegay inuu u arko imaashada in ka badan 3,000 oo ciidamo Maraykanka ee la geeyay Poland qatar ammaankiisa ku timid.

Ciidamada ayaa qayb ka ah madaxweyne Barack Obama oo ka jawaabaya inuu taageero Nato oo ka walwalsan Ruushka.

Waa milatarigii uu badnaa ee Yurub lagu taageero dhowr iyo toban sano.

Madaxweyne Vladimir Putin afhayeenkiisa, Dmitry Peskov, ayaa BBC u sheegay in talaabadan " ay qatar ku tahay ammaankeena iyo danteena".

"Waa wadankii saddexaad ee kordhinaya milatarigisa xaduuda uu Ruushka la leeyahay Yurub", ayuu sheegay afhayeenka. Mana aha wadan Yurub ah."

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Ruushka Alexei Mechkov, ayaa ku sheegay keenista ciidamada inay tahay "wax deganaansho la'aan ku abuuraya ammaanka Yurub."

Wasiir ku xigeenka difaaca ee Poland, Tomasz Szatkowski, ayaa sheegay in ciidamada la keenay ay muhiim tahay sababtoo ah tijaabooyinka waawayn ee milatari ee uu Ruushka ka samaynayo xudduudooda agteeda."

In ka badan 80 taangiyada dagaalka iyo boqolaal baabuur hubaysan ayaa yimid Jarmalka, oo u sii gudbaya bariga Yurub iyagoo isticmaalaya jidka iyo tareenka.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qorshaha ayaa ah in labadalo askarta sagaalkii biloodba mar

Mowduucyada la xiriira