Sawiro: Afrika iyo todobaadkii tagay

Qaar ka mid ah sawirada Afrika guud ahaa iyo dhowr xabo oo aan ka soo xulanay Soomaaliga oo la qaaday todobaadkii tagay.

Image caption Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Cabdirashiid Xidig oo sheekeysanaaya ka hor intuusan dhammaan loollankii ka dhexeeyay ee ah gudoomiyaha baarlamaanka.
Image caption Xildhibaan Cabdishire Jaamac oo codkiisa ka dhiibanayay doorashadii gudoonka baarlamaanka
Image caption Mid ka mid ah dumarka xildhibaanada ah oo codkeeda dhiibaneysa
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Sabtidii, Wiil yar oo isku soo xardhay taageerada uu u haayo madaxweynaha cusub ee Ghana Nana Akufo-Addo. Daankiisa ayuu ku sawiray jaceylka uu u hayo
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Isla munaasabaddaas, rag durbaan ka garaacaya oo madadaalinaya madaxweynaha cusub
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Kuwanna waxay yeerinayaan buun ay ugu talagaleen madaxweynaha
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dalka Ivory Coast waxaa ruxay kacdoon ay sameeyeen ciidamadan oo ku sugnaa jidadka magaalada Bouake, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn, waxay codsanayeen in si wanaagsan loola dhaqmo.
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kacdoonkaasi wuxuu sababay ciriiri dhanka isu socodka ah. Rakaabkan waxay seexdeen wadada, waxayna sugayaan gawaari.
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xubnaha u ololeynaaya soo celiya gandheheena #BringBackOurGirls, oo Axaddii dibad bax ku qabtay Abuja. waxay maamuusayeen 1000 maalmood oo laga joogo markii la afduubtay gabdhihii Chibok.
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Laakiin ololeeyayaashaas sidey rabeen wax uma dhicin oo ciidamadan ayaa dhexda uga dhacay oo kala ceyriyay
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Askeri ilaalo haya xilli la Kenya lagu daahfurayay qad tareen oo cusub oo isku xiraya Nairobi iyo Mombasa. Mashruucan ayaa xarigga laga jaray Arbacadii.
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sidoo kale Arbacadii, tartanka Barketball-ka naafada ee Suudaanta Koofureed oo ka dhacay Juba.
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Nin dhallinyaro ah ayaa dhagxaan ku tuuraya sladhig boolis oo ku yaalla xuduudda Tunisia iyo Libiya. wuxuu ka mid yahay dibad baxayaal ka careysay xannibaad la saaray ganacsiga isu gudubka xuduudda.
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Talaadadii, Gabadha uu dhalay wasiirkii biyaha ee Burundi ee la dilay, Emmanuel Niyonkuru, waxay ka duceyneysay duugta aabeheed oo lagu qabtay Bujumbura.
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dalka Aljeeriyana, haweeney ah sarkaal sare oo booliska ka tirsan ayaa u jilba-jabsatay inay eegto gabar yar oo guri la'aan ah oo wax cuneysa. Waa sadaqo ay booliska ugu talagaleen dadka aan guryaha lahayn.
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Caruur ay barakiciyeen dagaallada magaalada Kaduna ee Nigeria oo hortaagan guri ay qaxooti ku yihiin.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan