Mareykanka oo tallaabo u qaaday baabi'inta Obamacare

Dad aad u badan ayaa ceymiskan ka faa'idyesta Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dad aad u badan ayaa ceymiskan ka faa'idyesta

Aqalka wakiillada ee Mareykanka, oo xisbiga Jamhuuriga uu ku badan yahay, ayaa u codeeyay in la billaabo hannaanka lagu baabi'inayo caymiska caafimaadka ee Obamacare.

Waa ceymis ay dad badan awoodaan oo ay ka faa'ideen malaayiin qof.

Aqalka Sanetka ayaa horey u meelmariyay tallaabadaas, oo guddiga u fasaxaya inuu billaabo qoridda sharciga looga noqonaayo ceymiska

Obama: Trump ha xoojiyo midnimada

Trump: Meesha kama wada saarayo Obamacare

Qaar ka mid ah xubnaha aqalka wakiillada ayaa muujiyay in loo baahan yahay in la keeno wixii lagu badali lahaa ka hor intaanan go'aan la gaarin.

Waxay doonayaa in ceymis kale oo caafimaad oo badali karo midka Obamacare lagu heshiiyo.

Laakiin, madaxweynaha la doortay, Donald Trump, oo xafiiska la wareegi doono isbuuc gudihii, waxa uu amaanay Congress-ka tallaabada uu qaaday.

Wuxuu bartiisa Twitter-ka ku qoray in ceymiska caafimaadka uu "si degdeg ah ku noqon doono taariikh horey u dhacday".

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan