Tartanka koobka qaramada Afrika oo ka furmay Gabon

tartanka koobka qaramada Afrika.
Image caption Xulka Guinea-Bissau ayaa markii ugu horreysay soo gaaray heerkan.

Dalka Gabon waxaa ka furmay tartanka koobka qaramada Afrika oo ay ka qayb galayaan 16 kooxood.

Ciyaarta lagu furay tartanka waxa ay dhex martay waddanka Guinea-Bissau oo aan waligii halkaa soo gaarin iyo xulka dalka tartankan martigelinaya ee Gabon.

Ciyaarta waxay ku dhamaatay hal iyo hal, arrintaasina waxaa ka yaabay dad badan maadaama xulka Guinea-Biossaau aanan looga baran in uu heerkan soo gaaro.

Wadamada Burkino Faso iyo Cameron ayaa iyagana barbaro hal iyo hal ah isla dhaafi waayay.

Cameroon ayaa goolka ku hormartay daqiiqaddii 35-aad. Labada kooxoodna waxay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan.

Tartanka koobka kubadda cagta ee Africa waa tartanka ugu weyn qaaradda, waxaana la dheelaa labadii sanaba hal mar.

Qorshuhu waxuu ahaa in lagu qabto tartanka waddanka Liibiya, balse dagaalada dalkaasi ka socda dartood ayaa loo weeciyay dalka Gabon.

Waddamada loo tirinayo koobkan inay qaadaan ee isha lagu hayo waxaa ka mid ah Masar,Algeria. Senegal iyo Ghana.