Diyaarad Turkiga laga leeyahay oo ku burburtay Kyrgzstan

Turkiga Lahaanshaha sawirka DEPO PHOTOS/AP
Image caption Diyaarad laga leeyahay Turkiga

Diyaarad nooca xamuulka qaada ah oo dalka Turkiga laga leeyahay ayaa ku dul burburtay caasimadda dalka Kyrgzstan ee Bishkek.

Waxaa shilkaasi ku dhintay 16 qof, waxaana dadka shilkan ku dhintay u badan kuwo deganaa guryihii ay ku dul dhacday diyaaradda.

Wasaarada caafimaadka ee dalkaasi Kysgztan ayaa sheegtay in duuliyihii diyaaradda iyo lix carruur ah ay ka mid yihiin dadka shilkaasi ku dhintay.

Diyaaraddan oo nooceedu uu yahay Boeng 747 ayaa ka timid dalka Hong Kong, waxa ayna u socotay magaalada Beshkek ee caasimadda dalka Kyrgzstan. Lamana oga sababta shilkan keentay.