Guri ku gubtay Bandiiredley oo ay ku dhinteen Afar carruur ah oo walaalo ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Guri ku gubtay Bandiiredley oo ay ku dhinteen Afar carruur ah oo walaalo ah

Afar Carruur ah oo walaalo ah ayaa xalay ku dhimatay dab qabsaday gurigooda oo ku yaalla deegaanka Bandiiredley ee gobolka Mudug. Isla shilkaasi waxa ku dhaawacmay hooyada dhashay carruurta iyo wiil kale.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegaya in la soo xiray wiil lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa dabka qabsaday guriga.

Afarta Carruurta ee dhimatay ayaa maanta la aasay iyadoo dhaawiciina loo qaaday magaalada Gaalkacyo.

Haddaba si aan waxbadan uga ogaano dhacdadaasi xannuunka badan, waxan la xiriirnay gudoomiyaha deegaanka Bandiiredley Cabdirisaq Axmed Jaamac, wuxuuna u waramay weriyaha BBC Ibrahim Maxamad Adan.