Hooyo qiratay in ay dishay saddex carruur ah oo ay dhashay

Dad ka qaybgalaya aaska carruurta sanadkii 2015-ka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dad ka qaybgalaya aaska carruurta sanadkii 2015-ka

Hooyo ayaa qiratay in ay dishay saddex carruur ah oo ay dhashay maadaama oo ay gaarigii ay saarnaayeen ku dhex kaxaysay haro ku taalla Koonfurta Australia.

Akon Guode, oo 37 jir ah ayaa dishay Bol oo hal sano jiray iyo Hanger iyo Madit oo mataano ah oo afar sano jiray.

Dilkan ayaa ka dhacay koonfurta galbeed ee magaalada Melbourne sanadku markuu ahaa 2015-kii.

Alual oo lix jir ah ayaa isna la saarnaa gaariga balse badbaaday.

Guode ayaa dambigan ku qiratay maxkamadda sare ee gobolka Victoria.

Guode ayaa dambigan qiratay iyada oo uu turjumaan caawiyay, waxayna dalka Australia tagtay sanadkii 2008 iyada oo ka tagtay dalka Suudaanta Koonfureed.

Lahaanshaha sawirka ABC
Image caption Markii uu gaariga galay biyaha, dad bannaanka joogay ayaa isku dayay in ay carruurta badbaadiyaan
Lahaanshaha sawirka APA
Image caption Guode bidix ka muuqata ayaa ka qaybgashay aaska carruurteeda oo dhacay bishii afraad ee sanadkii 2015-kii

Joseph Manyang oo ah aabaha saddexda carruurta ah ee dhimatay ayaa dhagaysiga dacwadan oo sanadkii hore dhacayay u sheegay in ay wareertay inta aysan shilkaas galin.

Wuxuu Guode ku tilmaamay in ay ahayd hooyo u roon carruurta oo uusan ka filaynin in ay si ula kac ah dhibaato ugu gaysato.

Si kastaba ha ahaatee qof ka mid ah makhraatiyadii u muhiimsanaa ayaa booliiska u sheegay in ay dili rabto carruurteeda isla maalintaas ay masiibadu dhacday.