Koobka Africa: Riad Mahrez 'eedda anagaa leh'

Riad Mahrez oo ka muuqda bartanka ayaa laf dhabar u ahaa dalka Algeria Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Riad Mahrez oo ka muuqda bartanka ayaa laf dhabar u ahaa dalka Algeria

Riyad Mahrez oo baalaha uga dheela kooxda Algeria ayaa qiray in kooxdiisu aysan soo bandhigin ciyaaartii ugu wanaagsanayd iyadoo ay barbaro 2 iyo 2 ah la galeen xulka Zimbabe ka dib markii ay isku arkeen ciyaartoodii u horaysay ee Koobka Qaramada Qaaradda Afrika.

Ciyaaryahanka oo sidoo kale naaadiga Leicester uga dheella baalaha ayaa qarankiisa u dhaliyay labadii gool oo uu kala dhaliyay qaybtii hore ee ciyaaarta iyo daqiiqaddii 82-aad, taas oo ka badbaadisay in ay wajahaan guuldarro layaab noqon lahayd.

Mahrez wuxuu sheegay in ay in ay ku sii xisaabtamayeen in ciyaarta u horaysa ay adkaaan doonto.

"si wanaagsan umaanaan dheelin qaybta hore ee ciyaaarta balse si fiican ayaan u ciyaarnay qaybtii labaad waxayna ahayd in aan goolal badan dhalino".

dad badan ayaa u arkay in Zimbabwe ay si wanaaagsan u ciyaaartay.

Tababare kooxda Zimbabwe Callisto Pasuwa ayaa sheegay in ay rumawday wanaagii uu rajaynayay koobka ka hor.

"Markii la I waydiiyay yaa koobkan ku guulaysan doona waxaan iri Zimbabwe, qofkastana wuu igu qoslay. Laakiin kooxaha aan isku qaybta nahay koox yari kuma jirto" ayuu yiri tababare Callisto.

Tartanka Koobka Qaramada Afrika oo billowday

Isku aadka xulalka ee AFCON 2017

"Waxaan rajaynayaaa in dhibicda aan ciyaartan ka helnay ay dhiirigalin doonto ciyaartoydaayda si ay si sidan ka sii fiican ula ciyaaraan marka ay iska horyimaadaan kooxda Senegal.

Xulka Senegal ayaa hogaaaminaysa qaybta B ka dib markii ay 2 iyo 0 kaga badiyeen Tunisia.

Ciyaaaraha kale ee kooxaha ku wada jira qaybta B waxay dhici doonaan Khamiista.