QM oo sheegtay in toban kun oo qof ay ku dhinteen colaadda Yemen

Colaadda Yaman Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Kumanaan qof ayaa ku dhintay colaadda Yemen.

Madaxa arrimaha gargaarka ee dalka Yemen ayaa soo saaray tirada dhimashada ee dadka Yemen ku dhintay muddadii dagaalka uu halkaasi ka socday.

Warkan ayaa lagu sheegay in ku dhowaad tobon kun oo qof ay dagaalada Yemen ku dhinteen tan iyo sanadkii 2015-ka markii kooxda Xuutiyiinta lagu qaaday weeraradii ay dowladda Sacuudiga hoggaaminaysay.

Sarkaal u hadlay xafiiska bani'aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in tiradan la qiyaasayo lagu ogaaday diwaangelin laga sameeyey xarumaha caafimaadka.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegaysa in colaadda Yemen ay ka mid tahay kuwa ugu daran adduunka.