Ninkii ugu dambeeyay ee dayaxa ku socda oo geeriyooday

Gene Cernan Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Cir bixiyeen Gene Cernan ayaa ahaa taliyihii dayax gacmeedkii Apollo 17

Cir bixiyeen Gene Cernan oo u dhashay Maraykanka, ahna qofkii ugu dambeeyay ee cag dhiga daxaya, ayaa geeriyooday asagoo 82 jir ah.

Hay'adda hawada sare u qaabilsan dalkaasi, Nasa, ayaa sheegtay in ay "ka naxday geeridda" cir bixiyeenkaasi howlgabka ahaa.

Kabtan Cernan ayaa ka mid ahaa saddex qof oo dayaxa gaaray laba jeer, waxaana uu raadkiisa ahaa kii ugu dambeeyay ee halkaasi ku hara sanadkii 1972.

Waxa uu sidoo kale ahaa taliyihii dayax gacmeedkii Apollo 17 ee xilligaas.

Qoyska Cernan ayaa sheegay in uu geeriyooday Isniintii shalay ahayd, ka dib xanuun muddo hayay.

Cernan ayaa sameeyay filim ka hadlaya noolashiisa.

Waxa uu 14-kii Maarso 1934 ku dhashay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka.

Geerida Gene Cernan ayaa kusoo beegmeysa todobaadyo ka dib markii uu dhintay John Glenn, oo isna ahaa cir bixiyeen Nasa ka tirsan.