Wasiirro iska casilay xukuumadda Gambia

Xiisadda Gambia Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Yahya Jammeh ayaa markii hore aqbalay natiijadda doorashadii dhacday, balse dib ayuu ka sheegay in aanu aqoonsaneyn oo looga shubtay.

Ugu yaraan saddex wasiir oo ka tirsan xukuumadda Gambia ayaa iscasilay, waxaana ka mid ah wasiirka arrimaha dibedda Neneh Macdouall-Gaye.

Madaxweynaha dalkaasi Yahya Jammeh ayaa wajahaya cadaadis xooggan, ka dib markii uu diiday in uu xilka madaxtinnimada ku wareejiyo Adama Barrow, oo ah ninka ku guuleystay doorashadii dhawaan dhacday.

Hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika ayaa ku adkeysanaya in xilka madaxweynaha Mr Barrow loo dhaariyo Khamiista soo socota.

Waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay awood milateri xukunka uga qaadaan Mr Jammeh, oo talada Gambia afgembi kula wareegay sanadkii 1994.

Yahya Jammeh ayaa markii hore aqbalay natiijadda doorashadii dhacday, bals dib ayuu ka sheegay in aanu aqoonsaneyn natiijadaasi oo looga shubtay.