Mali: Ugu yaraan 37 ku dhimatay qarax baabuur

Lahaanshaha sawirka Reuters

Wararka ka imaanaya Mali ayaa sheegaya, in ugu yaraan 37 qof ay ku dhimatay weerar qarax baabuur oo lagu qaaday saldhig milatari oo ku yaala magaalada Gao ee waqooyiga Mali.

Ma cada cida ka danbaysay weerarka, laakiin mintidiinta Islaamiyiinta ayaa qaada weeraro tan iyo markii looga guulaystay iyaga iyo mucaaradka Tuareg dagaal ay la galeen ciidamo ay hogaaminayaan Faransiiska sanadkii 2012.