Jac dad aas ka qeybgalayay ku laysay dalka Zimbaabwe

Jacdu waxay raadsataa kolba shayga u joog dheer Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Jacdu waxay raadsataa kolba shayga u joog dheer

Jac ayaa dishay lix ruux oo aas kaga qaybgalayay dalka Zimbabwe iyaga oo geed kaga gabanaya roob mahiigaan ah, sida uu qoray wargayska ay dawladdu leedahay ee Herald.

Roobab mahiigaanno ah ayaa maalmahan ka da'ayay dalkaas oo abaaro la daalaa dhacayay.

Charity Charamba oo ah afhayeen u hadashay booliiska ayaa sheegay in lixdaas nin ay ku dhinteen Axaddii gobolka Binga ee dhaca koonfurta galbeed ee dalkaas.

Waxay intaas ku dartay in ay jiraan dad kale oo isla jacdaas ku dhaawacmay oo Isbitaal lagu dabiibayo.

Waxay ku baaqday in dadku aysan geedaha gabaad ka dhiganin isla markaasna aysan meelaha bannaan soconin inta ay da'ayaan roobabkan mahiigaanka ah maadaama oo ay jacdu raadsato shayga u dheer.