QM: Isbadalada dhaqaale ee Sacuudiga waxay faa'iido u tahay dumarka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sacuudiga ayaa la qabsanaya xaalad dhaqaale oo adag kadib markii sicirkii shidaalka uu hoos u dhacay

Qabiir Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda bini'aadanka oo booqday Sacuudi Carabiya, ayaa sheegay in qorshaha ay dowladda ay ku doonayso inay isbadal ku samayso dhaqaalaha inuu fursad u noqon karo in lagu hormariyo xuquuqda dumarka.

Philip Aston, ayaa sheegay habka cusub ee ay dowladda ugu samaynayso isbadal dhaqaale, inuu aqoonsanyahay in loo baahan in la dhiiri galiyo inay dumarka ka qayb qaataan dhaqaalaha.

Mr Alan, ayaa sheegay inay keeni karto isbadal dhaqan oo u ogolaanaya dumarka Sacuudiga inay ka qayb qaataan dhaqaalaha ayna isku fillaadaan.