Bareyaasha sare ee Kenya oo shaqada joojiyay

Mudaaharaadka ardayda caafimaadka barata
Image caption Ardayda caafimaadka barata oo mudaaharaadaya si ay taageero ugu muujiyaan dakhaatiirta

Kumanaan bareyaal sare ka ah jaamacadaha Kenya ayaa shaqada joojiyay si ay u xoojiyaan dalabkoodii ahaa in mushahaarka loo kordhiyo boqolkiiba konton.

Waxay ku biireen dakhaatiirta oo shaqo ka fariisi ku jira lix todobaad, iyaga oo dalbanaya in dawladdu ay dhaqan galiso heshiis saddex sano jira si loo hagaajiyo habka ay u shaqeeyaan.

Ardayda dhakhtarnimada barata ayaa iyagana mudaaharaad ku qabtay bartamaha magaalda Nairobi, iyaga oo taageero u muujinaya dhakhaatiirta.

Dhakhaatiirta iyo Bareyaasha sareba waxay shaqo joojintan samaynayaan iyaga oo ka dhago adaygaya go'aan maxkamdeed oo faraya in aysan shaqada joojinin.

Saraakiisha caafimaadka ee dawladda iyo xubno ka socda ururka dakhaatiirta ayaa kawada xaajoonaya murankan, laakiin ilaa iyoo hadda wax xal ah lagama gaarin.