Sidee buu u dhici doonaa caleemo saarka Trump maanta

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: dhaarinta madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump

Goobta isha lagu hayn doonaa waa US Capitol oo ah goobta uu Trump sida rasmiga ah ugala wareegi doono Barack Obama madaxtinimada dalka iyo Aqalka Cadba.

Halkan hoose ayaan ku faahfaahinaynaa habka kala wereegga awooddu u dhici doonto.Boqolaal kun o qof ayaa la filayaa in ay ku soo xoomaan Washington 20 January si ay u daawadaan dhaarinta madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump oo noqonaya madaxweynihii 45-aad ee dalka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ku dhawaad hal milyan oo qof ayaa la filayaa inay garaan magaalada Washington

Maxay ku dhacday in mushaarka Trump uu hal doolar noqdo?

Waa kuma Donald Trump?

Obama: Trump ha xoojiyo midnimada


20 JANUARY

  • Trump wuxu ka qayb geli doonaa duco lagu dhigi doono kaniisadda St John's Episcopal oo u dhaw Aqalka Cad.
  • Trump iyo afadiisa Melania ayaa shaaha aroornimo la qabi doona madaxweyne Obama iyo marwada koowaad Michelle Obama. Ka dibna labada qoys waxa kolonyo baabuur ah lagu geyn doonaa Capitol.
  • 9:30 subaxnimo (14.:30 GMT) ayaa xafladda caleemo saarku ku bilaabmi doontaa bandhig muusig ah.
  • 1:30 (16:30 GMT) Trump wuxu ku dhaaran doonaa dhaarta dastuuriga ah, waxaana dhaarin doona gudoomiyaha maxkamadda sare Roberts. Ka dibna wuxu jeedin doonaa khudbadiisa caleemo saarka.
  • 3-5 galabnimo (20:00 -22:00 GMT) Trump iyo Pence waxay billaabi doonaan socod 1.5 mayl ah (2.4km) oo ay ku mari doonaan wadda weyn ee Pensnsylvania Avenue halkaas oo dad taageersan iyo kuwo ku mudaharaadayaaba tubnaan doonaan.
  • 7-11 galabnimo (00:00-4:00 SGA) Trump iyo Pence iyo xaasaskooda ayaa ka qayb gali doonaa saddex xafladood oo caleemo saar ah.

21 JANUARY

  • 10 subaxnimo (15:00 GMT) Trump iyo Pence ayaa ka qayb gali doonaa fadhi ay iskugu imanayaan dadka kala diimaha ahi oo ka dhigi doonta kaniisadda Washington National Cathederal.
  • 10 subaxnimo (15: SGA) gaardiga haweenka ayaa ka bilaabmi doona Washington

YAA KA QAYB GALAYA?

Madaxweyne Obama iyo marwada koowaad ayaa Trump la raaci doona kolonyo baabuur ah oo lagu gayn doono US Capital oo xafladda rasmiga ahi ka dhici doonto halkaas oo ay iskugu imaan doonaan xubno ka tirsan Congress ka , siyaasiyiin iyo taageerayaasha Trump.

Madaxweynihii hore, Bill Clinton, iyo Hillary Clinton oo Trump doorashadii Noofambar dhacday kaga adkaaday ayaa iyagana la filayaa in ay ka qayb galaan.

George W Bush iyo afadiisa Laura iyo sidoo kale Jimmy Carter ayaa iyaguna xaqiijiyay inay ka qayb gali doonaa xafladda.

George HW Bush oo dhakhtar ku jira ayaa warqad u soo qoray Trump ugu hambalyaynayo isla markaana uu kaga cudur daaranayo in aanu ka soo qayb geli karin xafladda duruufo caafimaad awgood.

Dad lagu qiyaasayo 800,000 ilaa 900,000 oo qof ayaa la filayaa in ay soo buuxiyaan xarunta dalka maalinta Jimcaha ah ee caleemo saarku dhacayo laakiin ma cadda in dadkaasi dabbaal deg u imanayaan iyo inay mudaharaad u diyaar yihiin toona, sidaa waxa yrii sarkaal hadlay.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption in ka badan 1.8 milyan oo qof ayaa ka qeybgalay xafladdii dhaarinta Obama sanaddii 2009
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Trump oo eedeeyay Soomaalida

YAAN KA QAYB GALAYN?

In ka badan 50 xubnood oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga ayaa si cad u sheegay in ay diideen in ay ka qayb galaal xafladda iyadoo uu taagan yahay xafiiltan dhex yaal madaxweynaha dhowaan la doortay iyo ninka u ololeeya xuquuda dadka rayidka ah Xildhibaan John Lewis..


MUDAHARAADDADU MAXAY YIHIIN?

Isku soo baxyo dhawr ah ayaa dhigi doonaa oo qaarna lagu diidanyahay kuwo kalena lagu taageerayo Trump, waxaanay socon doonaan dabayaaqada todobaadkan oo dhan.

Isku soo baxa ugu wayni wuxu noqon doonaa socod ay haweenku ku mari doonaan Whashingto oo la filayo in ay ka qayb galaan 200,000 oo qof 21 January.

Waxa looga golleeyahay in lagu muujiyo isir takoorka, sinnaan la'aanta labka iyo dheddigga, in la helo adeeg caafimaad oo cid kastaa awoodi karto, xaqa dumarku u leeyihiin in ay uurka iska soo ridaan iyo xaqa codaynta oo dhamaantood ah arrimo ay dadkaasi aaminsanyihiin in Trump halis ku yahay.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

TRUMP SIDUU U DABBAAL DEGI DOONAA?

Trump wuxu diyaariyey qorshe ballaaran oo ay ka qayb galayaan kooxaha Mormon Tabernacle Choir, Radio City Rocketts, xidigaha ku caanka ah heesaha Country ee Toby Keith iyo Lee Greenwood, 3 Dopor Down iyo sidoo kale heesaagii u tartamay inuu ku guulaysto barnaamijka America's Got Talen Jackie Evancho oo dhamaantood heeso soo badhigi doona.

Madaxweyne Trump iyo kuxigeenkiisa waxay sidoo kale tegi doonaan saddex xafladood oo caleemo saar rasmi ahi ka dhici doono kuwaas oo ay ka soo qayb gali doonaan taageerayaasha maamulka cusubi.


GOORMUU SHAQADA BILAABAYAA?

Ninka noqonaya madaxweynaha 45-aad ee Maraykanku wuxu wacad ku maray inuu meesha ka saari doono siyaasadihii Obama ila maalinta ugu horraysa ee uu xafiiska fadhiisto, laakiin ma cadda inuu Jimcahaba bilaabi doono iyo inuu Isniinta la sugi doonaa.

Af-hayeenka Trump Sean Spicer ayaa ka sheegay shir jaraa'id in marka Jimcaha la dhaariyo madaxweynaha cusub , uu Arbacada soo socotaba soo saari doono afar ilaa shan qaraar madaxweyne.