Maxaa laga filan karaa xafladda caleema saarka Donald Trump?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa laga filan karaa xafladda caleema saarka Donald Trump?

Waxaa lagu wadaa in dalka Mareykanka ay maanta ka dhacdo xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee waddankaasi Donald Trump.

Goobta ay ka dhacayso xafladda caleema saarka ayaa waxaa ku sii qulqulaya boqolaal kun oo qof oo isugu jira madax iyo dadweynaha caadiga ah ee waddankaasi iyo marti sharaf kale.

Iin ka badan 50 xildhibaan oo ka tirsan Aqalka hoose ee Mareykanka ayaa qaadacay inay ka qeybgalaan xafladda caleema saarka Donald Trump.

Haddaba umuurtan ayaan wax ka waydiinnay, Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib, oo deggan waddanka Mareykanka, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay qaadacaadda ay ku dhaqaaqaayan qaar ka mid ah xildhibaanada waxa ay uga dhigan tahay Donald Trump?