Maxaa laga dheehan karaa khudbaddii Madaxweyne Donald Trump?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa laga dheehan karaa khudbaddii Madaxweyne Donald Trump?

Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa markii xilka loo dhaariyay ballan qaaday inuu Mareykanka ka hormarin doono wax walba, uuna soo afjari doono waxa uu ugu yeeray dhibaatada ba'an ee soo gaartay waddankiisa.

Khudbad kulul oo uu Trump jeediyay ayuu ku ballan qaaday inuu awoodda dalka ay dadka dib ugu noqon doonto, isagoo wacad ku maray in go'aankasta ee uu qaadanayo uu ku dhisi doono rabitaanka dadkiisa.

Haddaba khudbadda uu jeediyay madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump markii la caleema-saarayay, waxaa daawanayay Dr Sacad Sheekh Cismaan oo deggan magaalada uu caleema-saarka ka dhacay ee Washington, khadka taleefanka ee Washington ayuu ugu warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay waxa kaga baxay khudbadda Trump?