Heshiiska siyaasadeed ee Gambia oo la amaanay

Mr Jammeh ayaa sheegay inay wax isdabamarin ka jirtay doorashada madaxtinimada Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mr Jammeh ayaa sheegay inay wax isdabamarin ka jirtay doorashada madaxtinimada

Madaxweynaha dalka Muritaaniya, Maxamed Ould Cabdulcasiis, ayaa amaanay heshiiska laga gaaray qalalaasaha gambia.

Heshiiska oo lala gaaray madaxweynaha muddada maamulayay dalkaasi, Yaxya Jammeh, ayaa dhaigayo inuu xilka u wareejiyo si nabadgelyo ah.

Jammeh ayaa shalay sheegay inuu xilka wareejinaayo si uusan dhiig shacab ugu daadaninn Gambiya.

Waxaa la filaaayaa inuu dalka isaga baxo, balse kooxaha xuquuqda aadaha ayaa sheegaya inay waajib tahay in cadaallada la hor keeno.

Waxay ku eedeynayaan inuu dembiyo geystay muddadii uu xilka hayay. Waxyaabaha lagu eedeynaayo waxaa ka mid ah, xarig, jirdil iyo dil loo geystay siyaasiyiintii mucaaraday maamulkiisii 22-sano jiray.

Madaxweynaha Gambia oo la dhaariyay

Madaxweynaha Gambia oo diiday inuu xilka banneeyo

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Adama barrow ayaa xilka loo dhaariyay, wuxuuna taageero ka haystaa beesha caalamka.

Yaxya Jammeh ayaa horay u diiday inuu aqbalo natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii Diseembar ee aynu ka soo gudubnay.

Talabadan ayaa timid iyadoo dhexdhexaadiyaal ka socda Galbeedka Qaarada Afrika ay sacadihii la soo dhaafay la kulmayeen Yaxye Jammeh.

dhexdhexaadiyayaasha ayaa Jammeh ku qanciyay inuu xilka banneeyo, inkastoo uusan wax fahfaahin ah ka bixinin heshiiska la gaaray.

Ciidammada wadammada Galbeedka Afrika ayaa hakiyay qorshohoodii milateri ee ay doonayeen inay ku farageliyaan dalkaasi.

Dowladda Gambia oo ka baxaysa maxkamadda ICC

Gambia: Madaxweynaha cusub oo lagu dhaarinayo Senegal

Ciidamadaasi ayaa Khamiistii ka talaabay xuduudda Gambia, saacado yar un kaddib markii la dhaariyey madaxweynaha cusub ee Gambia Adama Barrow.

Waxaa lagu dhaariyey gudaha safaaradda Gambia ay ku leedahay dalka Senegal.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan