Suuq ku yaalla Pakistan oo la qarxiyay ayaa lagu dilay 20 qof

Ururka Taliban ee dalka pakistan ayaa sheegatay masuuliyaaddaa weerarkaasi. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ururka Taliban ee dalka pakistan ayaa sheegatay masuuliyaaddaa weerarkaasi.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay, qiyaastii 40 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay suuq qudaarta lagu iibiyo oo ku yaallaa magaalo ku taalla Waqooyi-Galbeed ee Pakistan.

Qaraxa wuxuu ka dhacay magaalada Panachinar oo ay u badan yihiin Shiico. Waxaynaa ku taaalla xuduudda Afghanistan.

Suuqa waxaa ka buuxay dad adeeganayay markuu qaraxa dhacaayay. Saraakiisha dowladda ayaana sheegay in ay suuragal tahay in dhimashada ay kororto.

Garab ka mid ah Ururka Taliban ee dalka Pakistan ayaa sheegatay masuuliyadda.

Sarkaal sare oo laga 'dilay' Talibanka Pakistan

Pakistan oo mamnuucday isticmaalka warbaahinta Hindiya

Afhayeen u hadlay kooxda ayaa sheegay "in ay cashar baarayeen Shiicada taageerto madaxweynaha Suuriya ee Bishaar Al-Asad".

Afhayeenka ayaa sheegay inay sii wadayaan weerarka ay ku hayaan Shiicaada, haddii ay taageeraan Madaxweyne Asad.

Madaxweynaha Suuriya ayaa dagaal lix sano qaatay kula jiro sunniyiin mucaarad ku aah dowladdiisa.

Maxaa sababay qaraxa?

Warar kala duwan ayaa soo baxaya oo ku saabsan sida uu qaraxa u dhacay. Dadka qaar waxay sheegayaan in waxyaabo qarxa lagu qariyay suuqa qudaarta.

Waxaa jiro warar qaar oo sheegaya in qof is qarxiyay uu ka dambeeyay weerarka.

Pakistan oo India ku eedeysay duqeyn

60 askari oo lagu dilay dalka Pakistan

Sabir Huseen, waa dhaqtar ku sugan cisbitaalka guud ee Parachinar, wuxuu sheegay in 11 ka mid ah dhaawaca ay xaalad xun ku jiraan. Qaar ka mid ah ayaa dhintay ka dib markii cisbitaalka la geeyay.

Dadka qaar ayaa loo gudbiyay cisbitaallo kale si daaweyn wanaagsan ay u helaan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada amnigaa ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay ku sugan

Militariga dalka Pakistan wuxuu sheegay in goobta oo dhan ay xireen, dadka dhaawaca daran qabana lagu qaaday helikabtaro.

Parachinar waa xarunta gobolka Kurram. Waa mid ka mid ah gobollada qabaa'ilka ee Pakistan.

10 ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Pakistan

Pakistan: Dab dad badan ku laayay huteel ay dadka ladan dagaan

Pakistaan oo tijaabisay gantaal riddo dheer

Deegaanadaas ayaa lagu maamulaan shuruuc iyo dhaqamo ay sameysteen dadka deggan.

Sidoo kale waxaa marar badan ka dhacay rabshado ku saleysan caqiido oo u dhexeeya Sunniyiinta iyo Shiicada.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan