Laba qof oo isku qarxiyay magaalada Jiddah, Sucuudiga

Sucuudiga ayey horey qaraxyo uga dheceen. Sawirka waxaa laga qaaday qarax bishii May ee 2015kii ka dhacay dalkaas Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Sucuudiga ayey horey qaraxyo uga dheceen. Sawirka waxaa laga qaaday qarax bishii May ee 2015kii ka dhacay dalkaas

Warbaahinta Sucuudiga ayaa sheegaya in laba qof ay isku qarxiyeen magaalada Jiddah.

Laba qof iyo laamaha amniga ayuu dagaal dhexmaray sidoo kale.

Bog lala xiriirinayo wasaaradda arrimaha gudaha ee Sucuudiga ayaa lagu qoray in ciidamada ay isku gedaameen guri ku yaalla Jiddah.

Askar lagu dilay Sucuudiga

Madina: Shaqaalaha daabaca Quraanka oo shaqada laga fadhiisanayo

Ragga oo gurigaas deganaa ayaa isku deyay inay booliska la dagaallamaan.

Israsaaseyn ka dib ayey is qarxiyeen, sida boggaas lagu sheegay.

Maahan markii ugu horeysay ee Sucuudiga ay qaraxyo ka dhacaan, sanadkii tagay waxaa la qarxiyay meel u dhow masaajidka nabiga SCW ee Madina.

Qof is qarxiyay ayaa dilay afar qof oo ilaale ahaa, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen goobaha barakaysan ee magaalada Madina.

Qofka ayaa is qarxiyay ka dib markii lagu joojiay meel u dhow masaajidka Nabi Maxamed agtiisa, ayay sheegtay hadalka ay soo saartay wasaarada arrimaha gudaha.

Sucuudiga: Xuutiyiintu gantaal bay ku soo rideen Maka

Sacuudiga oo baaraya muuqaal muujinaya tacadi lagula kacay ilmo yar

Masaajidka ayaa waxaa ku duugan Nabi Maxamed, Madina ayaa ah magaalada ugu barakaysan Islaamka, ka dib Makka.

Dad is qarxiyay ayaa sidoo kale weeraray laba magaalo oo kale ee Sacuudiga isla maaalintaas. oo ahayd %tii Julaay ee sanadkii tagay.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan