Sidee looga dareemay dalka Gambia bixitaanka Yaxye Jammeh?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sidee looga dareemay dalka Gambia bixitaanka Yaxye Jammeh?

Madaxweynihii hore ee waddanka Gambia, Yaxya Jammeh, ayaa isaga baxay dalkaasi kaddib markii uu aqbalay inuu awoodda ku wareejiyo Adama Barrow, kaasi oo kaga adkaaday doorashadii madaxtinimada ee la qabtay bishii la soo dhaafay.

Mr Jammeh ayaa waxa uu ka degay dalka Guinea, halkaasi oo la filayo inuu uga sii gudbi doono waddanka Equatorial Guinea.

Haddaba markii la shaaciyay inuu Yaxye Jammeh dalkaasi isaga baxayo ayaa waxaa inoo suuragashay inaan khadka taleefanka ku wareysanno Cabdiqaadir Yuusuf Digirje, oo isagoo taagan mid ka mid ah waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Banjul u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay waxa ka soconaya halka uu joogo?