Maxay salka ku hayaan dibadbaxyada ka dhanka ah Madaxweyne Donald Trump?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay salka ku hayaan dibadbaxyada ka dhanka ah Madaxweyne Donald Trump?

In ka badan hal milyan oo qof ayaa isugu soo baxay dhowr magaalo oo ku yaal waddanka Mareykanka, kuwaas oo ka qeyb qaatay dibadbax ka dhan Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, Donald Trump.

Dibadbaxyo kale oo kuwaasi la mid ah ayaa ka dhacayay magaalooyin badan oo caalamka ka tirsan.

Dibadbaxyadan oo ay dumarku soo qabanqaabiyeen ayey ku sheegayaan in ay kaga soo horjedaan hadalladii ka dhanka ahaa haweenka ee uu Trump jeediyay intii uu socday ololihii doorashada uu ku guulaystay.

Haddaba dibadbaxyadan ayaannu ka wareysannay Roos Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo deggan Mareykanka waxna ku baratay, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, ayey u warrantay oo marka hore waydiiyay waxa ay haweenka ka careysan yihiin oo ay ka dibadbaxayaan?