Saxaafadda Mareykanka oo si caro leh uga jawaabtay eeda Trump

Donald Trump ayaa hadda dibad bax kala kulmaya dumarka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Donald Trump ayaa hadda dibad bax kala kulmaya dumarka

Warbaahinta dalka mareykanka ayaa si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray madaxweynaha cusub Donald trump.

Madaxweynaha ayaa warbaahinta ku eedeeyay inaysan daacad ahayn ka dib markii ay ka warrameen in dad badan aysan ka qeybgalin munaasabaddii lagu dhaariyay.

Trump ayaa sheegay in 1.5 milyan oo qof ay ka qeybgaleen munaasabadda, balse cadeyn muusan bixin.

Balse shirkadaha warbaahinta ayaaeeda Trump ku tilmaamay arrin laga caroodo oo aan wanaagsaneyn.

Wargeyska The New York Times waxay sheegeen in hadalka Trump uu yahay sheegasho been ah oo aan waxba ka jirin.

Wargeyska The Washington Post ayaa eedaha ku sheegay inuu dhahay qof aanan si qoto dheer u fikirin oo iska dhaha waxyaabo laga xanaaqo.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Trump oo ka qeybgalay kullaan duco ayadoo lagu banaanbaxayo

Donald Trump ayaa yiri "Waxay u muuqatay in qiyaastii 1.5 milyan oo qof ay joogeen goobta", markii uu hadalka ka jeedinaayay Capitol Hill, Jimcihii.

Shan arrimood oo Trump uu ku sheegay Soomaalida

Muxuu Trump qaban doonaa marka ugu horaysa?

Miyay tahay in laga cabsado guusha Trump?

Sidoo kale, afhayeenkiisa Aqalka Cad ayaa sheegay in "Taageerayaashii abad ugu badnaa ee munaasabad dhaarin ka qeybgala inay ahayd middii Trump".

Labaduba ma aysan keenin cadeyn muujineysa in taageerayaal badan ay joogeen Capitol Hill.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dhanka Bidix, dhaarintii Trump iyo Dhankaa Midig, dhaarintii Obama

Balse, Sawir ayaa muujiyay sida ay u kala duwan yihiin middii Obama ee 2009-kii iyo Tan Trump ee laba maalin ka hor. (Eeg sawirka kore)

Sawirka waxaa ka muuqdo in dad aad u badan ay joogeen meeshii Obama lagu dhaariyay, halka xilligii Trump goobta ay firaaqo u muuqato.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dumar ku dibadbaxaya daafaha Caalamka oo Trump diidan

Daafaaha caaalamka waxaa ka dhacayo isu soo baxyo looga soo horjeedo maamulka Donald Trump.

Dibad baxa ugu weyn ee gudaha Mareykanka wuxuu ka socdaa magaalada Washington, halkaas oo qiyaastii 500,000 oo qof ay isugu soo bexeen.

Shan aragti oo Afrika ay ka qabto Trump

Gabdhaha Bush oo waraaq u qoray gabdhaha Obama

Sidoo kale, New York waxaa ku dibad baxaya illaa 400,000 oo qof, halka Chicago iyo Los Angelis ay isu soo baxyo ka socdaan.

Ujeedada ayaa ah in laa muujiyo in xuquuqda dumarka la dhowro.

Qaar ka mid ah dadka abaabulay isu soo baxyada waxay sheegayaan in xuquuqda dumarka ay halis ku jirto inta maamulka Trump uu jiro.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dibadbax ka dhan ah trump oo ka dhacay Mareykanka

Donald Trump marna ka muusan hadlin arrinta dibad baxayaasha xilligii uu booqanayay xarunta CIA-da ee Virginia.

Hase yeeshee, wuxuu dusha uga dhacay warbaahinta oo uu si kulul u cambaareeyay.

Wuxuu sheegay in saxaafadda ay abuureyso qilaaf dhex mara maamulkiisa iyo laamaha sirdoonka.

Trump oo weeraray sirdoonka iyo saxafiyiinta

Amarkii ugu horeeyay ee Trump uu bixiyay

Madaxweynaha cusub wuxuu ku celiyay aragtida uu ka qabo Weriyayaasha oo uu ku tilmaamay inay yihiin "kuwa ugu daacadnimada xun aadanaha caalamka ku nool".

Sidoo kale, afhayeenkiisa Aqalka Cad ayaa weerar noocaas ah oo afka ah ku qaaday saxaafadda iyo suxufiyiinta.

"Waxaa jiro hadallo badan oo ka dhex socda warbaahinta oo ah in Trump cadaaladda la horkeeno, waxaana halkan u joogaa in arrinta labada dhinacba ay noqon karto. Waxaa dooneynaa in saxaafadda aan cadaaladda horkeenno oo la xisaabtanno", ayuu yiri Mr Spicer.

Laakiin hadalkaasi ka dib wuxuu diiday inuu dhageysto su'aalaha weriyayaashii goobta uu ka hadlay ku sugnaa.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan