Ugu yaraan 36 ku dhimatay shil tareen oo Hindiya ka dhacay

Shilalkaa tareenada wax iska caadi ah ayey ka noqdeen Hindiya
Image caption Shilalkaa tareenada wax iska caadi ah ayey ka noqdeen Hindiya

Ugu yaraan 36 qof ayaa ku dhimatay, dad kale oo aad u badanna way ku dhaawacmeen shil tareen oo ka dhacay gobolka Andhra Pradesh, ee dalka Hindiya, sida saraakiisha dowladda ay sheegeen.

Qeybihii tareenka iyo matoorka ayaa kala googo'ay, xilli uu maraayay meel lagu magacaabo Kuneru, waxaa sidaas sheegay madaxa qadadka tareenada ee dhanka bariga, JP Mishra.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo shil tareen oo ka dhacay dalka Hindiya

dad badan ayaa weli ku hoos jira burburka tareenka, shaqaalaha samata bixinta ayaa sheegay in tirada dhimashada ay kordhi karto.

Shil tareen oo dad badan ku dilay Hindiya

Pakistan: labo tareen oo isku dhacay ayaa dhimasho iyo dhaawac keenay

Weli ma cadda sababta keentay in tareenka ka uu ka leexdo wadadiisa, taas oo ahayd sababta shilka.

Mr Mishra wuxuu sheegay in dadka dhaawaca ah loo qaaday laba cisbitaal oo meesha ku dhow.

Image caption The carriages were badly damaged

Afhayeenka hay'adda qaran ee qadadka tareenada ee Hindiya, Anil Saxena, wuxuu sheegay in shaqaalaha gurmadkaa ay shaqeynayaan habeennimada oo dhan.

Shilalka tareenada waxay dalka Hindiya ka nodeen wax iska caaadi ah, maadaama qadadka tareenada ay duqoobeen.

Cameron: Baroor-diiq loo sameynayo 80 qof oo ku dhimatay shil tareen

Dad ku dhintay tareen ku burburay Karachi

Bishii November ee sanadkii tagay, inkabadan 140 qof ayaa ku dhimatay shil tareen oo ka dhacay gobolka Uttar Pradesh.

Bishii Maarso ee 2015kii, shil kale oo ka dhacay Uttar Pradesh waxaa ku dhimatay 39 qof, 150 kalena way ku dhaawacmeen.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan