Ugu yaraan 18 ruux ayaa dabaylo xoog badan ugu dhintay Georgia iyo Mississippi

Habeenimo ayay burburisay dabayshu qaybo ka mid ah Georgia Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Habeenimo ayay burburisay dabayshu qaybo ka mid ah Georgia

Duufaan xoog badan ayaa Koonfurta dalka Maraykanka ku dishay ugu yaraan 18 ruux kuna dhaawacday tiro intaa ka badan, sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka degdega ah.

Gafernatooraha gobolka Georgia, Nathan Deal ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogay todobo deegaan oo ay ku dhinteen 14 ruux.

Afar ruux oo dheeri ah ayaa duufaanta ugu dhimatay Mississippi Sabtidii.

Duufaan dad ku dishay Florida

Shiinaha oo baadigoobaya dad duufaan lagu waayay

Dabaylo kale kale oo xoog badan ayaa la filayaa in ay ku dhuftaan waqooyiga Florida iyo Koonfurta Georgia sida ay shaacisay laanta hawada ee heer qaran.

Waaxda gurmadka degdega ah ee Georgia oo ayaa war ay soo saareen ku sheegay in 14ka ruux ee dhintay ay ku kala sugnaayeen southern Cook, Brooks, Dougherty iyo Berrien.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption The violent storms have also damaged property
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Muuqaal muujinaya dhibaatada ay duufaantu u gaysatay koonfurta Mississippi